|
Dalka
Jarmalka oo dawayntiisa la amaanay sannad walba waxaa is dawayn u
taga Soomaali badan oo ka timaada dacalada aduunka, in badan aad bay
u amaanaan hanaanka dawaynta Jarmalka, wayna ka heleen oo caafimaad
baa ALLE kasoo siiyay.
Dad badni
waxay ka cawdaan fahamka (is afgarashada; Luuqada) takhaatiirta
ajnabiga ah, deegaanka iyo inaad toos u hesho takhtarkii ku haboonaa
(takhasuska u lahaa) cudurka qofku iska dawaynayo.
Dr.
Abdullahi Shire Osman waa takhtar Soomaliyeed oo takhasus sare
leh, xarun caafimaad oo weyna ku leh wadanka Jarmalka, magaalada
Recklinghusen, (Dussledorf), ka sakoow hawl maalmeedkiisa caadiga ah
ee xaruuntiisa oo u adeegta dadka magaalada Recklinghusen, haddana
waxa uu caawiyaa dadka Somaalida ah ee dalka Jarmalka u taga
isdawaynta.
Dr.
Cabdullaahi wuxuu aqoon fog u lee yahay takhaatiirta ugu tayo
wanaagsan ee Jarmalka, wuxuu ka caawiyaa Soomaalida xagga is
afgarshada takhaatiirta ajnabiga ah.iyo inay dhokhso u helaan
takhtarkii ku haboonaa ee xanuunkaaga dawayntiisa takhasuska u
lahaa, maadaaba uu yahay takhtarku nin mudo dheer ku noolaa Jarmalka
wuxuu ka caawiyaa bukaanada isdawaynta ugu taga Jarmalka deegaan
qiimo jaban, nadiifna ah iyo waliba goobaha cuntada xalaasha ah laga
helo.
Haddii aad
tahay bukaan higsaanaya inuu isku daweeyo Jarmalka xusuusnoow inay
tahay fursad kuu wanaagsan inaad la xiriirto takhtarka Soomaaliyeed
ka hor inta aadanba u soo safrin Jarmalka si laguugu sii diyaariyo
balamaha takhtarka, aadna usii ogaato waxa aad u baahan tahay..
|